Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa shalay rasaas ay fureen waxa ay ku dileen gabar ardayad ah oo lagu magacaabayay Deeqa Daahir Cagadahab, waxaana gabadhan oo 9-sano jir aheyd rasaas kula dhacday gaariga iskuulka ay la socotay.
Ehelada Gabadhan geeriyootay ayaa sheegay in dilka ka dambeeyeen ilaalada Jen. Sheegow Axmed Cali oo kamid ah saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana xiliga dilku dhacayay la sheegay in ciidanka sargaalkan goobtaasi joogeen.
Jen. Sheegow Axmed Cali oo dilka gabadhan lagu eedeeyay in ilaaladiisa ka dambeeyeen oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ciidankiisa ka dambeeyeen dilka loo geestay gabadha ardayada ah.
” Aniga ciidankayga ma ridin wax rasaas ah, ciidamo kale oo gaari watay ayaa rasaasta riday, waxaana hayaa cadeymo arintaasi la xariira ” Ayuu yiri Jeneraal Sheegow oo Wareysi bixiyay.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilka ciidamo katirsan dowlada oo shalay magaalada Muqdisho ugu geesteen Deeqa Daahir Cagadahab oo aheyd 9-sano jir , mana jiro ilaa hada cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com