Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Ruushka oo Eedeyn xoogan loo soo jeediyay 

Dowlada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in Maraakiib shidaal waday u dirtay dalka Kuuriyda Waqooyi oo saaran cunaqabateyn dhinaco kala duwan leh.

Maraakiib ay leedahay dowlada Ruushka ayaa la sheegay in dhawaan shidaal badan geeyeen Kuuriyada Waqooyi, waxaana warkan Wakaalada Wararka Reuters u xaqiijiyay ilo wareedo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa la bilaabayaa baaritaano la doonayo in lagu ogaado warkan ku aadan in dowlada Ruushka jabisay cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi ayna dalkaasi geysay shidaal badan.

Milkiilaha midka mid ah maraakiibta Ruushka laga leeyahay ee lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa warkaasi beeniyay, waxa uuna ku tilmaamay war la been abuuray.

Dowlada Ruushka ayaa hada ku eedeesan in ay iska indho tirtay cunaqabteynta saaran Kuuriyada Waqooyi ayna jabisay go’aankii golaha Amaanka Qaramada Midoobay cunaqabateynta caalamiga ah dalkaasi ku saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad Xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Isbadal lagu sameeyay ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Koontaroolo ku yaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo qaabilay Mrs. Bintou Keita & Wafdi ay horkaceyso

Caydiid Ali