Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Sargaal katirsan Milatariga Somaliya oo la dilay iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay xaafad katirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya .

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Labo Xidigle Muumin Xasan Garaad, waxaana goobta dilku ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday kooxdii hubeesneyd ee dilka u geesatay sargaalkan.

Ciidamada amaanka ayaa saakay howlgalo kawada xaafado katirsan magaalada Baladweyne, lamana soo sheegin ciidamada amaanka in ay qabteen ragii hubeesnaa ee dilkaasi geestay.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay sargaalkan katirsanaa Ciidanka Milatariga, waxa ayna Shabaab sheegeen in howlgalka lagu dilay sargaalkan sidii loo qorsheeyay u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda gobolka Banaadir oo baafineysa Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi, Cabdul iyo Jurus

Cabdi Cade

Dowladda oo dalka kusoo celisay dhallinyaro xabsiyo laga soo daayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay xasaanad ka xayuubin lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---