QEYBTII LABAAD
Musuqa ay geystaan hawlwadeenada dowladda waxaa kalsooni geliya marka ay wadaniyiintu dareemaan ineysan si toosa u heli karin xuquuqahooda ay uga baahan yihiin xaafiisyada dowladda, waxeyna taas ay dhiirogelineysaa in hawlwadeenada dowladda ay dhacaan lacagaha loogu talogalay mashruucyada horumarinta ama xadaan canshuuraha lagu fulinayo adeegyada dadweynaha ama ay laaluush hanti badan uga qaataan qandaraasyada ay dowladdu bixiso ama ay saami ka qaataan deeqaha ay bixiso dowladda, iyo iny ka xooleeystaan dalacsiinta darajooyinka ama qorista lagu shaqaaleynayo hawlwadeenada dowladda.
Musuqa garsoorka ayaa ah kan ugu dhibka badan oo ay aad ugu adag tahay iney dowladu wax ka qabato, wuxuuna inta badan uu ka yimaada garsooreyaasha oo si xeeladeysan u qaata laaluushka, kadibna rida xukuno maxkamadeed oo aan xaqsoor lahayn, xukunadaas oo si xaqdaro ah loogu xukumayo eedeysaneyaal aan gelin dembiyada lagu soo oogey ama inaysan dhegeysan doodaha ku saleysan sharciga, balse ay fuliyaan xukuno horay go’aano looga gaarey, waxaana sida badan dadka laaluushaya garsoorada ay sidaas iney sameeyaan ay uga dan leeyihiin in sumacad xumo lagu dhaawaco dadka ka soo horjeeda siyaasad ahaan ama kuwa tartanka kula jira xilalka ay ka doonayaan dowladda ama iney madaxda tuugada ah ay ku doonayaan in looga tirtiro falal dambiyeedyada lagu soo eedeeyey.
Garsooreyaasha maxkamadaha oo ay liidato tayadooda aqooneed ee xaakimnimada waxey u adeegaan madaxda sare ee dalka oo ay ka amar qaadashadooda ay ku fuliyaan xukunada maxkamadaha ay ridaan, waxaana dacwadahaas hanjabaad ahaan loogu bartilmaameystaa si loogu dhibaateeyo mucaaradka siyaasadeed ee dowladda, waxeyna tilaabooyinka nuucaasa oo ay fuliyaan garsooreyaashu ay ku muteystaan in wada shaqeyn fiican ay dhexmarto madaxda sare ee dowladda oo ay taas bedelkeeda ku helaan xasanaad iyo xilalka oo ay ku sii negaadaan, waxaana musuqaas sii xoojiya kadib marka ay dhacdo in miisaaniyadda garsoorka ay si buuxda u kontroosho hayada fulinta, taas oo meesha ka saareysa kala madaxbanaanaashaha hayada garsoorka iyo tan fulinta.
Musuqa ka dhex jira ciidanka mileteriga ayaa inta badan la xiriira dalacsiinta darajooyinka oo si aan waafaqsaneyn mudnaantooda ay dhacdo in saraakiil aan astaahilin si gaara loogu abaalmariyo in lagu tixo darajooyin aysan aqoontooda ama waayoaragnimadooda aysan lahayn, waxaana sidaas iney dhacdo u sababa laaluush qaadasho ama hiilo ku dhisan heyb ama xiriir xoogan oo kala dhexeeya saraakiisha sare ee ciidanka ama kauwa ka soo jeeda qoys magac iyo maamus ku dhex leh dowladda ama shacabka, waxaana sidoo kale dhacda in handadaad iyo laaluush lagu aamusiyo dhibaneyaasha rayidka ah oo lagula kaco kufsiga ay u geystaan saraakiisha ciidanka oo ay saaxiibadooda kale ee mileteriga ay eedahaas ka daboolaan, islamarkaasna ay ka soo qaadaan waxaan dhicin oo beenabuura.
Saraakiisha mileteriga oo si qaldan u adeegsanaya awoodaha darajooyinkooda ay ku hayaan xaafiisyada kala duwan ee ciidanka ayaa ku sameeya xatooyo xuquuqaha ay leeyihiin ciidanka sida, sahayda ciidanka, dawada, shidaalka, hubka, qalabka iyo labiska ciidanka, mushaarka ciidanka, iyo rasaasta, waxaana inta badan dhacda in waxyaabahaas laga iibiyo suuqa madow ama si toosa ay gacanta ugu gasho kooxaha u abaabulan qaab dhismeedka burcadnimada ama kuwa dagaalka arxandarada ah kula jira jiritaanka ciidanka dowladda iyo xukunka dowladda, waxaana sidoo kale dhacda in qalabka ciidanka nuucyadiisa kala duwan iyo weliba tababaro lagu siiyo maleeshiyaadka beel ahaanta u hubeysan ama shirkadaha amniga ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Musuqa khayraadka dalka inta badan waxaa geysta siyaasiyiinta xilalka sare ka haya dowladda oo awoodahooda siyaasadeed iyo shabakadaha xiriirkooda dibeda u adeegsada iney si qaldan u maamushaan dakhliga dowladda ka soo gala kheyraadka ay leedahay sida dhulka, macdanta, gaaska, batroolka, kaluunka, iyo deeqaha maliyadeed oo ay dowladdu yaboohsiga ku soo hesho, waxaana taas wehlisa canshuurta kastamada oo heshiis lagu qafiifinayo lagula galo shirkadaha waaweyn oo xaaranta manaboolyada dalka ugu haysta, iyagoo ka miisaaniyad badan kana awood badan dowladda, waxeyna tilaabo kasta oo ay qaado dowladda ay u adeegsanayaan laaluush siyaasadeed oo dhamaan dokumentiyada dowladda loogu sameynayo beenabuur xeeladeysan si ay u bixiyaan canshuur aan u dhigmin badeecadaha ay dalka soo geliyaan ama ka dhoofiyaan.
Musuqa hayadaha amniga dowladda waa mida ugu halista badan oo cuuryaamisa habsami u socodsiinta sharciga, waxaana hayadahaan ka dhex adeegta madaxda dowladda iyo kuwa rayidka oo gacansaarka la leh kooxaha ay u adeegsadaan faldambiyeedyada qorsheysan, kuwaas oo saraakiisha amniga ku laaluushaya ineysan warbixino lagu baarayo aysan ka gudbin burcadda ay wakiilka ka yihiin, burcadaas oo ku hawlan dembiyada maandooriyaha, meheradaha dhileysiga, iyo basaasnimada cadowga ummadda iyo jiritaanka dowladda, waxaana halista ay leeyihiin saraakiisha amniga sii xoojinaya marka ay dhacdo in saraakiisha qaar ay gacansaar la leeyihiin ama ay ka tirsan yihiin burcada abaabulan oo ay la hawlgalaan marka aysan joogan shaqada.
Waxaa jirta iney marar badan dhacdo kutakrifalka awooda amniga marka ay saraakiisha amnigu ay bartilmaameysanayaan dadka ay ku tuhmayaan iney dibeda keenaan musuqa iyo xadgudubyada ay dadka kula kacaan sida weriyeyaasha ka shaqeeya warbaahinta madaxbanaan oo ay kula kacaan handadaad, jirdil ama toogasho, waxaana sidoo kale la diiwaan geliyaa in saraakiisha amniga ay maxaabiista kula kacaan dhaqano aan munaasab ahayn, iyagoo si xun u silciya si ay uga qoraan xogo warbixino ah oo ay ku qasbayaan iney ku qirtaan dembiyo aysan gelin oo ay ka buuxaan cadeymo beenabuura oo wata marqaatiyaal beenabuura, waxaana sidoo kale ay saraakiisha amniga ay dib u qataan ama u gataan xoolaha ay ku qabtaan xatooyada, maandooriyeyaasha ay gacanta ku soo dhigaan, iyo hubka sharcidarada ah oo ay la wareegaan.
Wax ka qabashada musuqa ka dhex jira waxbarashada ayaa ah mid ay ka gaabiyeen hayadaha waxbarashada dowladda oo ay tahay iney si joogto ah ula socdaan qaabka waxbarashada dalka oo ay iyagu yihiin kuwa bixiya ruqsada damaanadqaadka ay dugsiyada waxbarashada heerarkeeda kala duwan ay ku raacayaan manhajka tilmaamaya tayada waxbarashada ay dowladu u dejisey, waxeyna kontarool la’aantaas ay dhalisay in imtixaanada, darajooyinka, iyo ogolaanshaha gelida tacliinta sare ay noqdaan kuwo lagu meelmariyo laaluush, waxaana sidoo kale dhacda in shahaadooyinka heerarkoodu kala duwan yihiin ay noqdaan kuwo beeca ama si fudud lagu siiyo siyaasiyiiinta iyo xubnaha ka tirsan qoysaskooda, waxaana musuqa waxbarashada laga dhaxlaa dhaqaatiir dad badan ku dila isbitaalada, injineero ay dhismayaashoodu soo dumaan, siyaasiyiin qiyaano qaran geysta, iyo garsooreyaal dad badan xukun dila oo aysan galabsan ku fuliya.
Musuqa ku dhexjira hayadaha caafimaadka waxaa inta badan sameeya dhaqaatiirta haya maamulka bukaan eegtada ama isbitaalada oo ay tahay iney iyagu yihiin kuwa sida gaarka ah ugu madaxbanaan kontaroolida agabka, dawooyinka, iyo baaritaanada loogu adeegayo dadweynaha si ku dhisan macaash doon ama lacag la’aan, waxaana hayadahaas ka dhexdhaca musuq la xiriira qiimaha dawada iyo adeegyada, laaluush si dulsaara looga qaato bukaanka, baaritaaano aan loo baahneyna oo dadka jeebabkooda lagu furto, cuduro aysan bukaanadu qabin oo laga daweeyo, sirta akhbaarada bukaanka oon la dhowrin, macluumaadka bukaanka oo si mariinhabawsan loo beenabuuro, qalabka iyo dawooyinka deeqaha lagu helo oo suuqyada madow loo iib geeyo, sicir barar lagu sameeyo qiimaha daweynta bukaanada jiifa goobaha caafimaadka, iyo adeegsiga dhaqaatiir beenabuura.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com