Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlayaa shirka hogaanka dhaqanka SSC uga furmay Laascaanood?

Hogaanka Isimada SSC ayaa mar kale dalbaday in Ciidamada Somaliland iney ka baxaan gobolka Sool isla markaana ay diyaar u yihiin talaabadaas ka dib ay diyaar u yihiin iney wadahadal la furaan madaxda maamulka Somaliland

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Hogaanka Dhaqanka SSC ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhibaato xooggan u geysteen shacabka ku nool gobolka Sool.

“Marna suuragal maahan inaan wadahadal la furno maamulka Muuse Biixi, hadii uusan ciidamadiisa ka saarin gobolka Sool” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Ismimada Dhaqanka SSC ayaa maanta shir ku leh Magaalada Laascaanood kaasoo hogaan cusub ay ku dooran doonaan sida wararku ay sheegayaan

Shirka ayaa ku soo aadaya xilli duleedka waqooyi ee Magaaalada Laascaanood ay isku horfadhiyaan ciidamadda Somalilnd iyo kuwa SSC.

Dagaalka labada dhinac oo galay bishii 3aad ayaa waxaa ku naf waayey dad boqolaal gaaraya, halka qaar kalena oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaana ku barakacay kumanaan shacab ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood, illaa ma jiro ifafaale muujinaya in xal waara laga gaarayo soo afjarida dagaalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Laascaanood oo dagaal looga saaray Ciidamada Somaliland

Cabdi Cade

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ka hor yimid qodobadii ka soo baxay shirka Kismaayo

Caydiid Ali

Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---