Waxaa xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Caasumadda Dowladda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga caasimadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha.
Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha La dagaalanka Argaxisada iyo Mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed iyo Duqa Caasumadda Mudane Cabdiqaadir Axmed Maxamuud.
Ugu dambayntii masuuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga Puntland gaar ahaan Caasumadda ayaa isku raacay qodobada hoos ku xusan, iyadoona la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-
- In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,
- In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,
- In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,
- In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,
- In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.