Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Qadar oo Madaxweynaha Turkiga ugu deeqay Diyaarada Dunida ugu qaalisan(Daawo Sawirada)

Dowlada Qadar ayaa Turkiga ugu deeqday Diyaarad la sheegay in ay tahay nuuca Dunida ugu qaalisan, waxaana Diyaaradan qiimaheedu gaarayaa aduun lacageed oo dhan 500 milyan doolar.

Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamiim Al Thani ugu deeqay dowladiisa mid kamid ah Diyaaradaha Dunida ugu qaalisan .

Waxa uu sheegay Erdogan in Amiirka dalka Qadar ugu deeqay Diyaarad nuuceedu yahay  Boeing 747-8i kaddib markii uu maqlay in Turkiga uu doonayo aadna u xiiseenayo in diyaraaddaasi  soo iibsato.

Diyaaradda Boeing 747-8i ee dowlada Turkiga loogu deeqay ayaa la sheegay in ay tahay diyaaradda khaaska ah ee ugu wayn ugu qaalisan dunida, waxaana diyaaradan si weyn u xiiseenayay Madaxweynaha Turkiga.

Kooxaha Mucaaradka Turkiga ayaa horey ugu eedeeyay  Erdogan in uu doonayo in diyaarad qaali ah kusoo iibsado lacagta shacabka xili dalka uu ku jiro khalalaase dhaqaale, hasa ahaatee waxaa arintaasi meesha ka saartay  Qadar oo Turkiga ugu deeqday Diyaaradaas .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday askar lagu soo dhaawacay Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiska Nuclear-ka ee INF

Cabdi Cade

Ciidankii ku dagaalamay magaalada Garawe oo lakala qaaday iyo Waan waan socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---