Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo kahor timid dhimista Ciidanka ATMIS eedeyna u jeedisay Dowladii Farmaajo

Waxaa bilowday qorshe la doonayo in ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS laga saaro dalka, waxaana ciidankaasi xeryaha iyo goobaha kale ay joogaan la wareegaya ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa si adag uga hor-yimid in xilligan dalkan laga saaro ciidanka ATMIS, waxa uuna ku baaqay in qorshahaasi dib looga laabto.

Waxa uu sheegay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland in ciidanka xoogga ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada xilligan la jooga aysan diyaar u aheyn buuxinta kaalinta ay baneenayaan ciidamada ATMIS.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo ka dambeeyeen qorshahan ciidamada ATMIS dalka looga saarayo, waxa uuna xusay in marar badan ku baaqeen in la joojiyo qorshahan balse dhagaha laga fureestay.

Madaxweynne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in ka bixintaanka ATMIS ee Soomaaliya ay tahay fursad cusub oo la siinayo Al Shabaab, waxa uuna xusay imn dadkii shacabka ahaa ee ku tiirsanaa ciidamada ATMIS falal aargoosi ah kala kulmi karaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Afgooye & Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Daadad xooggan oo ku rogmaday Baydhabo iyo barakac ka dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dawladdaha Hoose ee Muqdisho & Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---