Xabsi kuyaalla dalka Kenya waxaa ku xiran nin baadari ah oo sabab u ahaa in baahi u geeriyoodaan dad badan oo raacsanaa kaniisadiisa, waxaana wali maxkamadeyn ku socotaa ninka baadirag ah iyo koox la shaqeeneysay.
Baadarigan oo lagu magacaabo Paul Mackenzie iyo 29 qof oo kale oo kooxdiisa kamid ah ayaa maxkamd ka codsaday in laga bedelo raashinka laga cumo xabsiga ay ku xiran yihiin lana siiyo raashin kale oo ka duwan.
Maxkamadda ayaana gabi ahaan diiday codsiga baadariga iyo kooxdiisa la xiran ee ku aadan in raashinka laga bedelo, waxa ayna maxkamadda sheegtay in ay xaq u leeyihiin in ay cunaan raashinka xabsiga loogu tala galay.
Garsoorka maxkamadda ayaana sheegay in aysan kala cadeyn ujeedka dalabka baadariga iyo kooxdiisa, waxa uuna sheegay garsoorka in xabsiyada isku mid yihiin looguna tala galay maxaabiista raashin isku mid ah in la siiyo.