Allbanaadir.com
NEWS

Mustafa Cagjar oo Magaalada Asmara kula kulmay Hogaanka ONLF

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar Cagjar ayaa magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula kulmay hogaamiyaasha  Jabhada ONLF .

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Soomaalida ayuu ku sheegay in uu la kulmay Hogaamiyaasha ONLF , waxa uuna xusay Mustafa in ay kawada hadleen taarikhda halgankii dheeraa iyo sidii colaada nabad loogu bedeli lahaa.

Kulankan ay yeesheen Madaxda dowlad deegaanka iyo Jabhada ONLF ayaa diirada lagu saaray sidii wadahadal nabadeed loo bilaabi lahaa xal waarana looga gaari lahaa colaadii sanadaha soo jirtay.

Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan liiska argagaxisada ka saartay Jabhado ay ku jirto ONLF , waxaana dowlada Federaalka Itoobiya wadahadalo kula jirtaa jabhadii dalkaasi ka dagaalmaayay kuwaa madaxdooda cafis loo fidiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Arday dil argagax leh u geestay labo kamid ah Macalimiintiisa kaddibna u wacay Booliiska

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ku guul dareesatay Arin rajo weyn ka qabtay in ay Guul ka gaarto !

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo oo labo arrin kala hadlay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---