Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo ka hadashay War dhawaan kasoo baxay Dowlada Itoobiya

Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay war dhawaan kasoo baxay dowlada Itoobiya oo sheegayay in duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ku dileen 70 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa beeniyay in duqeyn diyaaradeed looga dilay 70 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax duqeyn diyaaradeed uu ogyahay in ay fuliyeen ciidamada itoobiya.

“Warkaas Xabashidu sheegtay waxba kama jiraan sida muuqata dhaqankii Kenyaatiga ayay bilaabeen ee lagu yaqaanay in aysan wax aanan jirin ama dhacdo aananba dhicin iska sheegtaan, marka warkaas wax jira ma ahan, Meel ay diyaaradahoodu nagu beegsadeen iyo ciidan ay naga dileen midna ma jirto” ayuu yiri sargaalkan katirsan Al Shabaab.

Hadalkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili dhawaan sargaal katirsan dowlada Itoobiya uu sheegay in duqeyn diyaaradeed ku dileen 70 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Uhuru Kenyatta Gooni Ugula Faqay Erdogan Maxaase Farmaajo Ka Baajiyey Madasha?

Cabdi Cade

Daawo:-Madaxwaynayaasha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo laga dalbaday in ay dalka bad baadiyaan !!

admin

Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo oo goáam cusub ku dhawaaqay kaddib guushii Goojacadde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---