Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanad shaacisay in Baarlamaanka isaga tageyso hadii aan Amniga wax laga qaban

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay iyo maanta dood kulul ka lahaa Xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay ayna ka dhaceen dilal kala duwan.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka hadashay kulanka maanta yeesheen Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegtay in ay ku jiraan xabsi kor ka feedan, waxa ayna tilmaantay in aysan xurnimo ku mari karin meeshii ay doonaan.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in muhiim tahay in la hagaajiyo amniga Caasimada iyo guud ahaan dalka ,lana suurto galiyo in qof walba meeshii uu doono uu maro, waxa ayna xustay hadii aysan taasi dhicin in ay isaga tageyso xubanimada Baarlamaanka.

”Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo,xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, hadii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan” Ayey tiri Xildhibaan Sareedo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood kulul ka lahaa shalay iyo maanta amaanka Caasimada ee sii xumaanaya ayaa dhaliil xoogan usoo jeediyay Xukuumada Kheyre, waxa ayna sheegeen in Xukuumada ku fashilantay xaqiijinta amniga caasimada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Sh/dhexe iyo Al-shabaab oo warar iska horjeeda ka soo saaray dagaalka

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo Shaaciyay sida kaliya Itoobiya uga bixi karto Khatarta hada ka jirta .

Cabdi Cade

Wasiir ka farxiyey gabar Murugo heysato oo baraha bulshada lagu baahiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---