Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo soo saartay amar cusub oo ka dhan ah haweenka Afghanistan

Taliban ayaa amartay in bil gudaheed lagu xiro dhammaan goobaha haweenka lagu qurxiyo ee dalka oo dhan..

Tan iyo markii ay xukunka qabsatay Augsut 2021, dowladda Taliban ayaa ka mamnuucday gabdhaha iskuullada sare iyo jaamacadaha, beeraha lagu nasto iyo goobaha jirka lagu dhiso, waxayna amartay inay jirkooda oo idil qariyaan marka ay banaanka joogaan.

Haweenka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u shaqeeyaan QM iyo ururada aan dowliga ahayn, waxaana kumanaan ayaga ka mid ah laga eryey shaqooyinka ama lacag lagu siiyey inay guryahooda joogaan.

Hogaamiyaha saree e Taliban Hibatullah Akhundzada ayaa sheegay bishii hore in haweenka Afghanistan laga badbaadinayo “cadaadis dhaqameed,” ayada oo la qaadanayo maamul Islaami ah, lana soo celinayo maqaamkooda ah ” bani’aadam xor ah oo sharaf leh.”

Mohammad Sadeq Akif Muhajir, oo ah afhayeenka Wasaaradda Horumarinta Wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta, ayaan sheegin sababta loo qaatay go’aanka.

“Marka ay xiraan kadib waxaan warbaahinta la wadaagi doonnaa sababta,” ayuu u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in ganacsiyada la siiyey waqti ay ku xiraan, si ay u adeegsadaan dhammaan agabka u yaalla oo aanay khasaare u gelin.

Nuqul ka mid ah amarka oo ay aragtay AFP ayaa lagu sheegay “in saldhig looga dhigay amar kasoo baxay hoggaamiyaha sare.”

Goobaha haweenka lagu qurxiyo ee Kabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan ayaa bulaalay 20-kii sano ee ciidamada Mareykanka ay haysteen dalka.

Waxay noqdeen goobo amni ah oo haweenka ay isugu yimaadaan kuna sheekeystaan ayaga oo kasoo fogaanaya ragga, halka ay fursado ganacsi siiyeen haween badan.

Warbixin uu toddobaadkii tegay Golaha Xuquuqda Aadanaha QM u gudbiyey Richard Bennett, oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Afghanistan, ayuu ku sheegay in silaca haweenka iyo gabdhaha Afghanistan “uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu xun caalamka.”

Ku-xigeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha Nada Al-Nashif ayaa intaas ku dartay: “22-kii bilood ee la soo dhaafay, dhinac kasta oo nolosha haweenka iyo gabdhaha ah waa la xaddiday.”

 

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo soo gebagebeeyey tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland

Caydiid Ali

Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada Cabdiraxman Cirro ku guuleestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---