Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Amiir Tamim Bin Hamad oo Saxiixay Labo Heshiis ay horey u gaareen Somalia iyo Qadar

Amiirka dalka Qadar  Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa saxiixay heshiisyo ay horey u wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, waxaana heshiisyadan yihiin kuwa faa’iido badan ugu jirta Soomaaliya.

Heshiisyada uu saxiixay Amiirka dalka Qadar ayaa ah labo heshiis ay labada dowladood wada gaareen xiliyo kala duwan, waxaana saxiixa Amiirka kadib la filayaa in dhaqan galintooda ay bilaabato.

Labada Heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Qadar horey u wada gaareen ayaa kala ah heshiis ku saabsan dhinaca Adeega Duulimaadka iyo Heshiis kale oo isna ku saabsan dhinaca caafimaadka.

Heshiisyadan ayaa wafuud kala mataleysa dowladaha Soomaaliya iyo Qadar waxa ay horey ugu kala saxiixdeen magaalada Doha ee Caasimada Qadar  18/3/2015 iyo sidoo kale 14/5/2018.

Dowlada Qadar ayaa xiligan xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana Qadar ay balan qaaday in Soomaaliya ka taageereyso dhinacyo badan sidoo kale ka fulineyso mashaariicyo horu marineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal carbeed oo dhoofsaday kumanaan ka mid ah Geella lagu laynayo Australia

Caydiid Ali

Monica Juma oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Taye Atske Selassie oo loo doortay Madaxweynaha Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---