Allbanaadir.com
NEWS

Shirka dib u eegista Hindise sharciyeedka Difaaca Qaranka oo la Daah-furay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shir looga hadlayo dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka Soomaaliyeed.

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dib-u-eegista loogu samayn lahaa qoddobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hawlaha Makamada Ciidamada Qalabka Sida, Xuquuqda iyo Xorriyaadka Asaasiga ah Ciidamada, Daba-galka Eedaynsaneyaasha Fal-dembiyeedyada, Ilaalinta Xubnaha Hawl-galka Ku-jira iyo qodobbo kale.

Ugu dambayntii, waxaa shirka wadatashiga ah ka soo qayb galay xubno kala metelayey Wasaraadda Gaashaandhiga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururrada bulshada Rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan” (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso: Go’aano adag oo kasoo baxay Shir ay yeesheen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowlada Hoose kusoo dhaweeyay Justin Duo Gore (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---