Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud.
Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku fashiliyeen kuna soo saareen qaraxyo miini oo Al Shabaab wadooyinka ku aaseen.
Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor Dhamme Mahad Imaan ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Al Shabaab isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan ciidamada iyo dadka Shacabka ah.
Al Shabaab ayaa miinooyin badan ku aasay wadooyinka soo gala deegaannada ay ka joogaan gobolka Galgaduud, waxaana hadda bilowday dhaq dhaqaaqyo cusub ay ciidanka dowladda ku doonayaan in Al Shabaab looga saaro guud ahaan Galgaduud.