Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday magaalo kutaalla dalka Mareykanka

Nin hubeesan ayaa xalay toogasho ka geestay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo kutaalla magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania, booliiska ayaana gacanta ku dhigay ninka toogashada geestay.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa toogashadan lagu dilay, halka sidoo kale lagu dhaawacay afar qof oo kale, waxaana dadka dhaawacyada qaba oo loola cararay xarumaha caafimaadka qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Ciidamada booliiska magaalada Philadelphia oo goobta toogashada ka dhacday si deg deg ah usoo gaaray ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninka toogashada geestay iyo qoray uu watay.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xariira toogashada, waxa uu sheegay in ciidamada gacanta ku hayaan ninkii ka dambeeyay weerarka ayna ogaanayaan sababta uu dadka u dilay.

Toogashadan cusub ee ka dhacday  Mareykanka ayaa kusoo aadeysa maalin kahor sidaan oo kale nin hubeesan rasaas ugu furay goob ay ku sugnaayeen dhallinyaro oo kutaalla magaalada Baltimore, waxaana weerarkaasi ku dhintay labo qof ,halka ay ku dhaawacmeen 28 qof oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka iyo waxyaabaha laga filan karo

Cabdi Cade

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Wiilashii ciidanka NISA ku dileen Suuqa Bakaaraha oo la sheegay ineysan Al-shabaab aheyn

Caydiid Ali