Allbanaadir.com
NEWS

Mootooyin dhac lagu geesanayay iyo burcadii wadatay oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa kordhiyay howlgalada ay uga hortgayaan burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba ku haya dadka shacabka ah.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaqshiid ayey kusoo qabteen burcad hubeesan , kuwaa oo dad shacab ah dhac u geesanayay, burcada ayaana adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo biskoolad iyo toorey dadka ku baaranayay xaafado katirsan degmada Yaqshiid.

Booliiska ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo dhigay iyo mootooyinkooda loo gudbin doono sharciga, waxa ayna sheegeen booliiska in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcada ah ee caadeestay in shacabka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbiixn ku saabsan loolanka adag ee loogu jiro xilka gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho !!

admin

Britain oo digniin ka bixisay Muddo kordhin loo sameeyo heyadaha DF

Caydiid Ali

Qarax Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---