Allbanaadir.com
NEWS

Hoobiyaal saakay lagu garaacay xaafado katirsan Muqdisho iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay

Waxaa saakay salaadii subax tiro madaafiic ah lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada Muqdisho oo badi hurdayay, halka kuwa kalana ku guda jireen dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah, kuwaa oo loo qeybiyay dhowr degmo.

Mid kamid ah madaafiicda saakay lagu soo tuuray magaalada muqdisho ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla xaafad katirsan degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay aabbe iyo labo carruur ah uu dhalay ayaa ku dhintay madfaca gurigooda ku dhacay, waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhaawacantay hooyada qoyska iyo carruur kale, aabaha dhintay ayaana la sheegay in uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Madaafiicda lagu garaaco  magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar ku dhaca guryo dad shacab degan yihiin, waxa uuna khasaaro gaarsiiyaa dad aan waxba galabsan oo guryahooda jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo War kasoo saartay go’aanka DF looga qaaday Cunaqabateynta hubka

Cabdi Cade

Shaqo Joojin lagu sameeyay Kuxigeenada Agaasimaha Nabad Sugida Somalia (Akhriso Cadeyn)

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade