Allbanaadir.com
NEWS

Rag dhibaato ka geesanayay xaafado katirsan Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay kooxo burcad ah, kuwaa oo dad shacab ah ku baaranayay xaafado katirsan degmada Hodan.

Burcadan ciidamada booliiska qabteen oo gaarayay afar ayaa la sheegay in ay dadka ku baaranayeen tooreeyo, waxaana xilliga ciidamada qabanayeen ku howlanaayeen baarayaasha iyo dhibaateenta dad shacab ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in burcadan xabsiga ku jiraan ayna ku socdaan baaritaano, waxa ayna booliiska intaas raaciyeen in loo gudbin doono maxkamad si loogu qaado ciqaabta dambiga ay galeen.

Ciidamada booliiska ee ka howlaga degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kordhiyay wax ka qabashada burcada hubeesan ee shacabka dhaca, waxa ayna ciidamada xabsiyada ku gureen kooxo burcad ah oo laga soo kala qabtay degmooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh iyo Boqor Cabdalla Binu Xusseen?

Caydiid Ali

Qarax Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka Mahdceliyay howsha IOM ka waddo Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---