Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka, iyo Aqalka Sare ee JFS.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.
Ugu danbeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.
Hantidhowrka Qaranka ayaa muddooyinkii dambe waday dagaal ka dhan ah musuq maasuqa xarga goostay ee dowladda ka dhax jira, waxaana xabsiyadda Muq disho ku xiran masuuliyiin loo heesto in ay ku kaceen musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.