Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada Mucaarad ku ah oo ku shirsan Imaaraatka Carabta

Wararka aan ka heleyno dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in dalkaasi ay ku sugan yihiin Xildhibaano katirtsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahan kusugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraaka Carabta waxaa horboodaya Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirsahiid, waxaa sidoo kale xubnaha Dubai jooga kamid ah  Madaxwenaha Koofur Galbeed, Siyaasiga C/Kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhinbaano labada aqal katirsan.

Sida aan Wararka ku helnay xubnahan oo u muuqda kuwa mucaarad ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo hoose ku leh dalka Imaaraatka, waxa ayna kawada xaajoonayaan sida ugu macquulsan reer ku hergalin karaan siyaasadooda gaarka ah.

Xildhibaanada labada Aqal ee ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa tiradooda lagu sheegay labaatameeyo, waxaa sidoo kale lagu wadaa dalkaasi in ay gaaraan Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa saldhig ka dhigtay dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna isku xire u yahay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka iyo dowlada Imaaraatka Carabta.

Kulamo Mucaaradka dowlada Madaxweyne Farmaajo uga socda dalka Imaaraatka ayaan wali kasoo bixin natiijo muuqata, waxaana la filayaa in shirkan iyo kuwa kale uu ka dhaco Imaaraatka laguna lafa guro siyaasada Imaaraatka ee ka leedahay Soomaaliya iyo sida ugu macquulsan ee loo hirgalin karo.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligan wajaheysa mucaaradad xoogan oo uga imaanaya Xubno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin hore, waxaana mucaaradka gadaal ka riixaya dhaqaalo badana ku bixinaya dowlada Imaarataka oo dooneysa in Farmaajo xilka laga qaado.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulaman kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/wali Gaas oo la kulmay wafdi uu horkacayey Mr. Peter De Clercq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Cadaalla: “Rag labo boqol gaaraya ayaa Khawaarijta looga dilay degaanka Iji”

Caydiid Ali

Soomaali 64 Sanno jir ah oo dil ka geestay Dalka Canada iyo Booliiska oo qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---