Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin baxsad ahaa oo dhibaato geestay

Ciidamada booliiska ee ka howlga saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin baxsad ahaa , oo horey maxkamadda ciidamada qalabka sida waaran soo qabasho ah ugu jartay.

Ninkan ciidamada booliiska maanta qabteen ayaa lagu eedeeyay in uu dhaawac u geestay muwaadin Soomaaliyeed, waxaana ninkan dacwad ka dhan ah maxkamadda ciidamada  gudbiyay ninkii uu dhaawaca u geestay.

Maxkamadda ciidamada ayaana ninkan oo diiday in uu isku soo dhiibo laamaha ammaanka u jartay waaran soo qabasho ah, waxaana ninkan oo baxsad ku jiray muddooyinkii dambe ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada booliiska.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninkan dhaawaca geestay uu hadda ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan maxkamd la horgeyn doono si caddaaladda loo marsiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Israa’iil oo shaacisay in ay dishay ninkii beddali lahaa Xasan Nasrallah

Cabdi Cade

Daawo:-Abdirahman Abdishakur oo ka dhax sheegay shirkii Beesha Mudulood hadal ka wada farxiyay ka qayb galayaasha !!

admin
Taboola Ads ---