Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabad xil-wareejin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi  ayaa xilka u kala wareejiyay maamulka cusub ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

Mudane Cabdullahi Biixi Xuseen oo xilka ku wareejiyay mudane Cabdiweli Cabdulle Timacadde ayaa hadal kooban uu goobta kajeediyay sharraxay waxyaabaha u qabsoomay Hay’adda NIRA Somalia muddadii uu hayay xilka kusimaha Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha sida dejimta siyaasado iyo xeerar rasmi ah oo ay leedahay Hay’adda kuwaas oo ka tarjumaya shaqada iyo xarunta Hay’adda.

Maareeyaha Cusub ee Hay’adda mudane Cabdiweli Timacadde ayaa dhankiisa u mahadceliyay kusimahii Maareeyaha shaqada wanaagsanay uu kasoo qabtay Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha isaga oo ballanqaaday in uu kordhin doono Tayaynta Hay’adda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku ammaanay maamulkii hore ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha shaqada wanaagsan oo ay qabteen. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa kula dardaarmay Maareeyaha Cusub in uu dardargaliyo Shaqada Muhiimka ah oo ay Hay’addu hayso, isaga oo ku adkeeyay shaqaalaha kala duwan muhiimadda wadashaqeynta oo ay saldhig u tahay in guulo laga gaaro shaqada Hay’adda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Ruushka oo Damaanad-qaad dhinaca Amniga siisay Madaxweyne Joi Biden oo…

Cabdi Cade

Halkan ka Akhriso : Bayaan Culimada Soomaaliyeed kasoo saareen Khilaafka Siyaasadeed

admin

Daawo:-Maxaa sababay in Wasiirka Maaliyadda uu diido lacag u fasaxay Khayre?

admin
Taboola Ads ---