Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaarayaal hore oo gaaray Garawe iyo Waan waan halkaasi ka bilaabatay (Sawirro)

Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale oo caan ah ayaa maanta gaaray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Siyaasiyiintan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka iyo kuwa maamulka Puntland, waxaana soo dhaweynta kaddib loo galbiyay gudaha magaalada Garawe.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Garawe u yimaadeen sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii ka dhacay, waxa uuna sheegay in ay ku yimaadeen codsi bulsho ayna gacan ka geesanayaan karaankooda sidii xal waara looga gaari lahaa waxii dhacay.

Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta la socota ee maanta gaaray magaalada Garawe ayaa durba bilaabay kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dagaalkii dhax maray maamulka Deni iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Magaalada Garawe ayaa la filayaa in uu sidoo ka furmo shir ay isugu imaanayaan Isimada Puntland, kuwaa oo iyana la filayo in gacan ka geestaan xal u helida khilaafka siyaasadeed ee sababay gacan ka hadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo si jees jees ah u magacaabay caasimadda cusub ee Falastiin

Caydiid Ali

Trump oo ka fekeraya baabi’inta taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM

Cabdi Cade

Shiikh Shariif iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---