Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Meydadka 12 caruur lagu qariyey kartoon oo laga helay xarun Isbitaal (Daawo Sawirro)

Duqa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mike Sonko ayaa sheegay inuu arkay maydadka 12 carruur ah oo lagu qariyay sanduuq gudaha isbitaal ku yaalla magaaladaas.

Mike Sonko ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay isbitaalka Pumwani kaddib markii uu macluumaad ka helay dadka deegaanka oo ku eedeeyay maamulka isbitaalka inay damiyeen makiinadihii yaallay qaybta isbitaalka ay hooyooyinka ku umulaan taaso horseeday inay geeriyoodaan qaar kamid ah carruurta ku dhasha isbitaalkaasi.

Barasaabka Nairobi markii uu gaaray isbitaalka wuxuu muuqaal toos ah kasoo galay bartiisa Facebook.

Sonko ayaa isbitaalka ku tegay mooto ama baabuur gaar ah isagoo iska ilaalinayay in maamulka isbitaalka ay ogaadaan booqashadiisa, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

Maydadka carruurta waxaa lagu duubay bac waxaana la sii geliyay saddex sanduuq.

“Waxaan doonaya in aan halkan ka sheego in la qaddariyo nolosha qofka bani’aadanka” ayuu yiri, isagoo ka dhawaajiyay in tallaabo laga qaadi doono cid kasto oo hooyooyinka iyo carruurta dhasha ka hor istaagayso inay helaan adeegyada aasaasiga ee isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada DFS oo qaaday tallaabo magaalo weyn go’doonka looga qaadayo

Cabdi Cade

Somaliland ma waxay xiriirka Taiwan ka door biday saaxiibadii dhalanteedka ahaa?

admin

Dowlado ka tirsan Yurub oo mamnuucay dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin

Caydiid Ali