Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Cabdullaahi Ibrahim Yarow

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad, ayaa xukun dil ah ku ridey askari katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo lagu helay in nin shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo .

Cabdullaahi Ibrahim Yarow ayaa maxkamadda ciidamada ku heshay in 3-dii bishii Juun ee sannadkan magaalada Baydhabo si kas ah ugu dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Isgoowe Maxamed Aadan .

Ehelada marxuumka la dilay ayaa la sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo qisaaso askariga katirsanaa ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee dilka u geestay wiilkooda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana dhageysiga kiiskan kaddib , waxa ayna xukun dil ah ku riday Dable booliis Cabdullaahi Ibrahim Yarow Boorow, waxa ayna maxkamadda sheegtay in kiiskan uu ka furan yahay racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiir hore oo sheegay in Ciidamada NISA gurigiisa kusoo weerareen

Cabdi Cade

Midowga Murashaxiinta oo Saddex tallo oo Muhiim ah siiyay Ciidanka Xoogga dalka

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo beenisay daraasad ay soo saartay Jaamacad ku taalla Ireland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---