Allbanaadir.com
NEWS

Askari Gadoodsan oo dil iyo Dhaawac galabta ka geestay Muqdisho

Waxaa gabal dhicii maanta askari la sheegay in uu katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya rasaas dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku furay goob ay ku sugnaayeen ciidan dowlada katirsan iyo dad shacab ah.

Sida aan Wararka ku helnay askari katirsanaa ciidanka Milatariga ee ku sugan xerada Bangala ee Degmada Dayniile ayaa rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen ciidamo kale oo Milatariga katirsan iyo dad shacab ah oo kutaala xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile.

Askarigan rasaasta furay ayaa la sheeay in dhawaan laga eryaya xerada ciidanka Milatariga ee Baglaga, waxaana askarigan oo ka gadoodsanaa ciidanka laga eryay ayaa rasaas ku furay ciidamo kale oo Milatariga katirsan.

Inta la xaqiijiyay haweeney laheyd goob biibito shaaha laga cabo ayaa ku dhimatay rasaastan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale oo labo kamid ah la sheegay in ay ahaayeen ciidamo katirsan milatariga.

Masuul katirsan maamulka Degmada Dayniile ayaa noo xaqiijiyay in uu baxsaday askarigii dilka iyo dhaawaca geestay , waxa uuna sheegay masuulkan in lagu daba jiro askriga falkan dilka ah geestay.

Degmada Dayniile oo horey uga mid aheyd degmooyinka ugu xasiloon Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo kordhay isku dhacyada ciidanka dowlada kawada tirsan, kuwaa oo maraka qaarkood dadka shacabka ah dhibaateeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo diyaarisay halkii la dejin lahaa Xildhibaanada Farmaajo taageersan ee la doortay

Cabdi Cade

Kooxda Taliban oo bilowday wadatashiga dhismaha dowlad cusub oo Islaami ah

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo u Mahadceliyay dowladda Qatar codsi cusubna u jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---