Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa booqday fariisimaha hore ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud.
Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh iyo saraakiil ciidan oo la socotay ayaa kormeer ku tagay farumaha ciidanka xoogga kaga sugan yihiin degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan furumaha dagaalka ,waxa uuna taliyaha ku ammaanay ciidanka sida ay diyaarka ugu yihiin in ay la dagaalamaan Al Shabaab ugana saaraan dalka.
Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay abaabul dagaal uu ku doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab ka joogaan gobolka Galgaduud, waxa uuna ciidanka kula dar-daarmay in ay dagaal u diyaar garoobaan.