Ciidamada ammaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa xir xiray kumanaan kun oo qof oo doonayay in ay sannadkan xajiyaan, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dad iyana lagu eedeeyay in ay dadkan horjoogayaal u ahaayeen.
Madaxa guddiga amniga ee arrimaha Xajka ee sanadkan, Lt. Gen. Muhammad Al Bassami ayaa sheegay in ciidamada xireen 9,509 qof , dadkan ayuu ku eedeeyay in ay ku xad-gudbeen fiisaha shaqada iyo sharciga degenaanshaha dalka.
Lt. Gen. Muhammad Al Bassami ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen 33-qof oo lagu tuhmayay in dadka la xir xoray horkacayeen , iyagoona wax fasax ah ka heesan maamulada dalka ka jira.
Madaxa amniga ee arrimaha Xajka ayaa sidoo sheegay in sidoo kale maamulka dalka ay gacanta ku dhigeen 202,999-qof oo isku dayay in ay dalka soo galaan si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka iyagoon fasax u haysan.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sharciga u degsan waxa uu dhigayaa in qof kasta oo kunool dalkaasi uusan si iskiis ah u tagi karin xajka, waxaana looga baahan yahay qofka doonaya in uu xajiyo in uu fasax ka raadsado masuuliyiinta qaabilsan arrimaha xajka.