Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faisal Shiikh Cali Jifo-jabsade ayaa sheegay iney fashiliyeen shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo damacsanayd iney qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyaan goobaha lagu ciidayo ee magaalada Gaalkacyo.
Faisal Shiikh Cali Jifo-jabsade ayaa intaas ku daray in laamaha amniga maamulka Puntland ay qabteen xubnihii dilalka ka geysan jiray Gaalkacyo muddooyinkii la soo dhaafay.
“Dhagar gaqabayaal khatar amni maleegayey ayey fashiliyeen laamaha amaanku kuwaasoo damacsanaa falal lidi ku ah nabadgalyada Magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Waxa uu xusay in laamaha amniga ay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, loogana hortagayo wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah amni darrada ka shaqeynaya.
Shacabka ayuu ugu baaqay inaysan ka baqin iney hay’adaha amniga ku soo war geliyaan xogaha kooxaha khal khalka gelinaya amniga, isla markaana aysan guryahooda ka kireyn qof aan la garaneyn waxa uu yahay.
Faahfaahin kama bixin Gudoomiye Faisal Shiikh Cali Jifo-jabsade tirada kooxda ay qabteen iyo goobaha ay damacsanayeen iney ka fuliyaan qaraxyada, waxayna arrintani ku soo aadeysaa xili amaanka magaalada Gaalkacyo ee degaanada Puntland uu soo hagaagayey Mudooyinkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com