Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda.
Xassan Shiikh ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta garowsan yihiin in wax uu ugu yeeray argagixisada ku soo duushay dalka ay yihiin gumeysi xanuun badan oo curyaamiyey nolashooda, xasuuqay dadkii ay jeclaayeen, kana been abuurtay diinteenna suubban, isagoo soo tusaale u soo qaatay sida ay u burburiyeen Masaajidka deegaanka iyo goobaha lagu barto Quraanka Kariimka ah ee Daaru Nicma wuxuuna xusay in ficilladan ay ugu filan yihiin qof walba oo Soomaaliyeed caddeynta cadaawadda ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay rajadiisa ku aaddan in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada lagaga sifeyn doono taako kasta oo ka mid ah dalka.
“Dhaqaale kuuma ogola. Xorriyad kuuma ogola, in aad cibaadeysato kuuma ogola. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka shalay qaraxa ku burburiyey Masaajidkii Daaru-nicm. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen”.ayuu yiri Xassan Shiikh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed in goobihii ugu horreeyey ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee dhowr iyo tobonka sano ilaalinayey amniga dalka, taasoo muujinaysa buu yiri in Soomaaliya ay gaarayso dhammaadka sannadka soo socda isku filaansho dhanka amniga iyo xaqiijinta nabadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aas-aas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalkeennu, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo dowladda dhexe ay mudnaan siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka taariikhiga ah ee dadka Soomaaliland ay ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, isagoo muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in la xalliyo tabashadii ay qabaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.
“Magaalooyinka calanka laga saaray waxaa ku jirta Laascaanood, dalka oo dhan ayaa laga xusay sanadguuradaan, laakiin waxaan filayaa reer Laascaanood waxay u tahay markii ugu horeysay oo si muuqata ay ugu dabaal-degeen toddobaadka xorriyadda, guuleysta ayaan leeyahay, inta dhiman waan u dabaal-degi doonaa sanadaha soo socda nabada iyo wanaagga la heystana waa ku naalooneynaa, marka aan sidaas leeyahay cid gaar ah oo warkaan aan ku xumeynayo ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynuhu hadalkiisa ku soo daray.
Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay midnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay kaga garaabayaan Soomaaliland tabashada ay qabto kuna baaqay gogol nabadeed.