Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul katirsan Shirkada Amal oo galabta lagu dhawaacay Muqdisho

Masuul katirsan Bangiga iyo Xawaalada Amal xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa galabta lagu dhaawacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel u dhaw xarunta weyn ee Xawaalada Amal ku leedahay agagaarka Shirkada Hormuud.

Sida aan Wararka ku heleyno kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa rasaas madaxa uga dhuftay Cabduqaadir Xaaji Waasac oo ahaa Madaxa qeybta Xawaalada ee Bangiga Amal xaruntiisa Muqdisho.

Dhaawaca Masuulkan katirsan Bangiga Amal ayaa lagu daweenayaa mid kamid ah Isbitaalada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho, lamana oga ilaa hada sababta loo weeraray masuulkan katirsan Bangiga Amal.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya weerarada lagu beegsanayo dadka shacabka iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan baxsada kooxaha weeraradaasi fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Iman Cabdulaahi Ali oo isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali
Taboola Ads ---