Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka

Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub.

Midowga Yurub ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden u gudbiyey sida xooggan ee ay u diiddan yihiin Qur’aanka lagu gubay dalkaas.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub, isagoo xusay inaan lagu tilmaami karin xoriyatul qowl la difaacayo.

“In la gubo kitaabka Qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah. Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub

Waxa falkan sii xumaynaya ayaa ah in qofka falka geystay uu u doortay maalinta ay Muslimiintu u dabaal degayaan Ciidul Adxaa.

“Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu difaaco xorriyadda diinta ama caqiidada iyo xorriyadda hadalka, dibadda iyo gudaha. Hadda waa waqtigii loo wada istaagi lahaa is-faham iyo is-ixtiraam, lagana hortagi lahaa dhibaato kale oo soo kororta.” ayuu yiri afhayeenka Midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Sh/hoose iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Villa Somalia oo War ka soo saartay heshiiska dhexmaray Farmaajo iyo Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali

Jocob Zuma oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay waxa uu dareemay markii la daayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---