Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Kenya Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.
Taliyaha ciidamada Kenya ayaa u ballan-qaaday madaxweynaha maamulka Jubbaland in ay ka taageeri doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee la filayo in deegaannada maamulka Jubbaland ka bilowdaan.
Ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa ka howlgala deegaannada maamulka Jubbaland, ciidamadan ayaana sanadihii lasoo dhaafay dhaafin xeryaha ay joogaan dhaafin, mana jirin howlgalo la taaban karo ay ka qeyb qaateen.