Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon (Sawirro)

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ubax lagu maamuusayo halgamayaashii u shahiiday halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed maanta dhigay taalada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo qeybo kamid ah bulshada ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ubaxa ku dhigayay taalada Daljirka Dahsoon.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa maanta ka socda munaasabado waa weyn oo lagu weeneynayo maalinta ay xoroobeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowga waqooyi iyo Koonfur.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana xuska ugu weyn ee munaasabadda 1-da Luulyo ay saakay ka socotaa garoonka weyn ee Muqdisho Stadium.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO: Farmaajo oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey shacabka

Caydiid Ali

Jawaari oo la kulmay Safiiro iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Deni oo kulamo xasaasi ah kula qaatay Nairobi danjireyaal reer Galbeed ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---