Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qarax ay sheegeen in ay ku dileen labo Sargaal

Wararka ka imaanaya deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa miino ee saakay ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe ku dileen labo sargaal uu midkood  katirsanaa ciidanka dowladda, halka kan kalana uu kamid ahaa ragga hoggaamiya macawuusleyda.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyadda qaraxa , waxa ayna  sheegeen in qaraxa ku dileen Abuukar Miineey oo ay sheegeen in uu ahaa guddoomiye kuxigeenka Ruun-nirgood iyo Cabdi Markab oo isna ahaa sargaal katirsan macawuusleyda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in labadan sargaal ay dileen ay kaalin weyn ku lahaayeen dagaalka looga saaray gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ku eedeeyeen Abuukar Miiney in horey dad shacab ah ugu laayay deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan shaaciyay Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ka leeyahay shirka uu iclaamiyay

Cabdi Cade

Mohamed Salah oo si Murugo leh uga hadlay xasuuqa Yuhuudda wado Baaqa u diray Caalamka

Cabdi Cade

Gudoomiye Yariisow oo lagu sameeyey labo qaliin & Warar sheegaya in..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---