Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Jeyte oo Masuuliyiin cusub Magacaabay, Hiiraana u qeybiyey labo gobol

Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa magacaabay xilalka xubno cusub oo ka mid noqonaya maamulka Hiiraan State.

Wareegto uu soo saaray Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo uu ugu magacdaray Shabeellaha Sare.

Cali Jeyte ayaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State u magacaabay Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) halka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Sare uu u magacaabay Cabdaladhiif Faarax Aadan.

Jeyte ayaa sidoo u magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Hiiraan State Suleymaan Geedi Ibraahin, halka taliye ku xigeenka ciidankana uu u magacaabay Cabdullaahi Max’ed Faarax Biriq, sidoo kale taliyaha Saadka Ciidankaas ayaa loo magacaabay Afrax Cali Xasan Afrax Yare.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa Afhayeenka madaxtooyada maamulka Hiiraan state u magacaabay Max’uud Maxamed Saxane.

Maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin magacaabistan uu sameeyay Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha maamul uu ku sheegay Hiiraan State oo ka madax banaan Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Madow ah oo si arxan daro ah loogu dilay Mareykanka iyo askartii dishay oo la ruqseeyay

Cabdi Cade

Maraykanka oo Bariga Dhexe u diray USS Abraham Lincoln iyo saanad dagaal

Cabdi Cade

R/W Kheyre oo si adag ula xisaabtamaya Wasiirada Xukuumadiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---