Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Ciraaq oo Sweden u gudbisay dalab la xiriira ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay u yeertay safiirka Sweden, kana codsatay in loo soo gacan geliyo ninka gubay qur’aanka kariimka ah si loogu maxkamadeeyo dalka Ciraaq.

Ciraaq ayaa ugu baaqday dowladda Sweden inay qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah sidii ay u joojin lahayd aflagaadada soo noqnoqda ee Quraanka Kariimka ah.

“Cilmiga sharciga ah iyo xoriyatul qawlka ma ogola in dembiga loo ogolaado xurmada diimeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq.

Arbacadii, nin isku sheegay inuu yahay qaxooti ka yimid Ciraaq ayaa qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaal bartamaha Stockholm.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa sheegay in ninkan uu ahaa Kiristaan Ciraaqi ah oo horay uga barbar dagaalamay cutubyo ka tirsan ciidamada Nasaarada ee loo yaqaano Popular Mobiliation Forces, oo ah urur u badan malleeshiyaad Shiico ah oo lagu daray ciidamada dalkaas sannadkii 2016-kii.

Booliiska Sweden ayaa fasaxay talaabada uu ninkaas ku gubay quraanka, sababo ay ku sheegeen xorriyadda hadalka, kaddib markii go’aan hore oo lagu mamnuucay dibadbax kan la mid ah ay maxkamadda Sweden laashay.

Falkan oo ku soo beegmay xilli lagu guda jiro Ciidul Adxaa ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dunida Muslimka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii soo jeediyay in dhacdadani ay caqabad kale ku noqon doonto dalabka Sweden ee xubinnimada NATO.

Boqolaal kamid ah taageerayaasha wadaadka shiicada ah ee Ciraaq ee saamaynta ku leh ee Muqtada Sadr ayaa maalmo ka hor galay safaarada Sweden ee Baqdaad iyagoo ka careysan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee Sweden.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Ciraaq ayaa sheegay in safaaradda Sweden ay kala baxeen ciidamada ammaanku ka dib markii ay mudaaharaadayaashu jebiyeen dhismaha, iyaga oo kor u qaaday sawirrada Sadr iyo calamada maleeshiyadiisa ee Ciidanka Mahdi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale gubay calanka qaanso-roobaadka, oo astaan u ah qolyaha isku jinsiga ah ee isku galmooda LGBTQ

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh & wafdigiisa oo Masjidka xaramka ku soo gutay Cumrada (Sawirro)

Caydiid Ali

Warbaahinta Imaaraadka Oo bilowday Dacaayad ka dhan ah Xiriirka Somalia iyo Qatar ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gantaal soo khaldamay oo ku dhacay dalka Pakistan iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---