Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo u digtay dowlad goboleedyada, kana hadashay khilaafka Galmudug (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalia ayaa war cad ka soo saartay khilaafka ka dhex aloosan madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dhinaca kale uga digtay madaxda dowlad goboleedyada muddo kororsi.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalia ayaa u qornaa sidatan:-

War-saxaafadeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda waxayna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhammaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo soo saartay Go’aan ka dhan ah Francisco Madiera

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo fariin u diray Xildhibaanada dooran ee dalka iyo dibaddiisa ku kala sugan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---