Allbanaadir.com
NEWS

Shil dad badan ku dhamaadeen oo ka dhacay magaalo kutaalla Kenya (Sawirro)

Shil gaari oo sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya, waxaana shilkan sababay gaari xamuul oo koontaroolka ka lumay.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in shilkan uu sababay  gaari nooca xamuulka qaada ah oo ka soo ambabaxay magaalada Nakuru kuna sii jeeday Kericho, kaas oo koontaroolku ka lumay xilli uu xowli ku socday.

Gaarigan ayaana jiiray dhowr baabuur oo kala ahaa Matatu,Gawaari gaar loo leeyahay iyo mootooyin, waxa uu sidoo kale gaarigan koontaroolka ka lumay uu jiiray dad lugeenayay goobta uu shilku ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay 48-qof , halka ay ku dhaawacmeen 20-qof dad ka badan ,kuwaa oo la sheegay in ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus laguna daweenayo xarumaha caafimaadka.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya usoo hoyatay murugo weyn oo ka dhalatay shil bahalnimo ah oo ka dhacay magaalada Londiani, waxa uuna tacsi u diray dadkii shilkna ku dhintay ,halka uu caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub wax laga argagaxo ku sifeeyey weerarkii xerada Jabalia

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galay dibed-baxii shalay oo dil iyo dhaawac loo geystay

Caydiid Ali

Israa’iil oo duqeyn culus ku garaacday masaajidka Shuhadada Al Aqsa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---