Allbanaadir.com
NEWS

Garawe oo si weyn looga xusay munaasabadda kowda Luulyo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadda xuska 01 Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda mugga weyn ee ay inoo leeyihiin maalmaha Xuriyadda iyo sooyaalkii taariikheed ee laga soo maray halgankii gobanimadoonka.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in dhibaatooyin badan laga soo maray sidii dalka xurnimo u heli lahaa, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in jiilka maanta ogaadaan macaanida xurnimada dhibka weyn laga soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay sababta loo xanibay Qaadka iyo khilaafka ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xarumaha Q/Midoobay ee caalamka oo hoos loo dhigay calanka UN-ka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---