Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkan xorriyaddiisa laga soo maray halgan dheer oo ay ku baxeen naf iyo maal ay quureen gabdho
iyo wiilal Soomaaliyeed oo xornimodoon ahaa, isla markaana jiilka maanta jooga looga fadhiyo ilaalinta heybadda Qaranka iyo in loo midoobo sidii cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta dalka looga sifeyn lahaa, si ummaddeenu ay ugu noolaato nabad iyo baraare.

“Maalintan qiimaha badan ee 1da Luuliyo oo ku beegan 63 guuradii xornimada iyo midnimada ummaddeenna, waxay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka Shacabkeena, waa maalintii ay dadkeennu xaqiijiyeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo madax-bannaan”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay quluubta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, meel walba oo caalamka ay joogaan.

“Waxaana uu u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed in Allaah (SWT)sanad guurada soo socota nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo midnimo.”

Related posts

Mareykanka & Israel oo isku khilaafsan arrin ku saabsan dagaalka Gaza

Caydiid Ali

Puntland oo dib u dhis ku bilowday laami halbowle ah oo daadadku burburiyeen (Sawirro)

Caydiid Ali

Sudan oo kahor-timid Bayaankii Adis Ababa kuna hanjabtay in ay ka baxeyso IGAD

Cabdi Cade
Taboola Ads ---