Allbanaadir.com
NEWS

Rag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidamada booliiska qeybta galbeed ,gaar ahaan kuwa ka howlgalada saldhigga degmada Wadajir ayaa saakay gacanta kusoo dhigay labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay geesteen kufsi iyo jirdil.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in labadan nin ee soo xireen lagu eedeeyay in kufsi iyo jir-dil isugu dareen gabar dhallinayro ah, kuwaa oo gacanta booliiska soo galay xilli ay baxsad ku jireen.

Booliiska ayaa sheegay in raggan ay soo xireen ay hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna tilmaameen marka baaritaannadu dhammaadaan la horgeyn doono caddaaladda si kiiska ay galeen loogu qaado.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay rag lagu eedeeyay kufsi, waxaana shacabka Muqdisho boggaadiyeen shaqada ay u hayaan shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil 11-sanno jir ah safar baaskiil ah kusoo bixiyay 130 km (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sweden oo dalkeeda ka tarxiileysa ninkii ku caan baxay gubida nuqulada Qur’aanka

Caydiid Ali

Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday lacag aad layaabi doonto !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---