Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal culus oo saaka ka dhacay degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha dhexe Ciidamada kaasoo dhexmaray ciidamada DF ee halkaas klu sugnaa iyo Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah Dagaalka ayaa bilowday kadib markii sida la sheegay ay degaanka weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo socday ku dhawaad saacad.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la maqlayey qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus oo la isweydaarsanayey.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta aan si rasmi ah loo ogeyn tirakoobka khasaaraha ka dhashay.
Masaajid weyn oo ka dhisnaa degaanka ayaa la sheegay inuu burbur xoogan soo gaaray, iyadoo saraakiisha ciidamada DF ay sheegeen in Masaajidka ay qarax ku burburiyeen al-shabaabkii halkaas weeraray ka dib markii ay miino ku xireen, hase ahaatee Allbanaadir Online ma xaqiijin karto sheegashadaas.
War ay soo saartay Al-Shabaab ayey ku sheegatay inay la wareegeen degaanka daaru-nicma, isla markaana ay burburiyeen saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaankaas.
Warar madaxa bannaan ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay isaga baxeen degaanka Daarul Nicma inkastoo ay markii dambe dib ugu laabteen, ka dib weerar rogaal celis ah o ay qaadeen.
Degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay degaannadii ugu dambeeyay laga Al-Shabaab oo halkaas ka talineysay muddo dheer.
HOOS KA DAAWO SAWIRKA HORE EE MASAAJIDKA IYO SAWIRKA BURBURKA.