Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd gobolka Sh/hoose oo la burburiyey (Sawirro)

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalladan oo socday muddo kooban waxaa lagu burburiyey maxkamad ay shabaabku ku lahaayeen deegaano ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

“Howlgalkan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda khawaarijta ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Sh/Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta DF

Ciidanka Haramcad ayaa sheegay iney ku raad joogaan firxadka kooxihii ka tirsanaa Al shabaab ee ku sugnaa goobah weerarka laga fuliyey sida ay sheegeen saraakiisha Hamarcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo Caawa war kasoo saartay Xiisada Siyaasadeed ee dalka kusoo korortay

Cabdi Cade

Ruushka oo Musiibo uusan fileyn kala kulmay Duullaanka uu ku qaaday Ukraine (Sawirro)

Cabdi Cade

Iran oo hakisay heshiiskii Nuclearka, 60 cishana u qabatay reer Galbeedka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---