Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo dalab yaab leh u gudbisay Heyaddaha IMF iyo Bankiga Aduunka

Puntland ayaa ugu baaqday heyadaha IMF iyo bankiga aduunka in gebi ahaan la hakiyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, inta laga heshiinayo khilaafaadka jira.

Talaabadan oo ka dhan ah hanaanka deyn cafinta Somalia ee mudada dheer la soo waday ayaa ku soo aadeysa xili Puntland iyo DF uu ka dhex aloosan yahay khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, kaasoo sheegay inaysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta dalka.

Dhabancad oo ayaa beeniyay hadalkii Wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaasoo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin Puntland & DF.

“Annagu waxaan leenahay deyn cafinta hadda sidaa lagu wado Soomaaliya ayay khatar ku keenaysa. Waxay dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahli ah. Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado” ayuu yiri  Dhabancad.

Waxaa uu sidoo kale xusay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Related posts

Jadwalka Doorashada kursigii ugu dambeeyay oo katirsan Aqalka Sare oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax lagu burburiyey Booyad ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ka dhacay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---