Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Col. Saney Cabdulle oo lagu wareejiyey saldhigyo ay ATMIS ka guurtay (Sawirro)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu wareejiyay labo Saldhig oo horudhac ah  kuwaasoo ka dhigaya afar xarumood oo ilaa hadda lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saldhigyada lagu wareejiyay Talaadadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah degmada Cadale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi iyo Albao oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo ay mas’uul ka ahaayeen ciidamada Uganda.

Magaalada Cadale, ayaa taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana, ayaa saldhiga degmadaas ku wareejiyay taliyaha guutada ciidanka XDS ee Cadale Col. Saney Cabdulle, iyadoo munaasabad ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa rayidka ah oo ka kala socday ATMIS iyo SNA.

Brig. Gen. Niyiburana ayaa kula dardaarmay ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee la wareegaya xilka in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, islamarkaana ay sii wadaan dagaalka lagu jabinayo Al-Shabaab, laguna sugayo amaanka dadka deegaanka.

“Aaggan si fiican ayaad u garanaysaa, Al-Shabaabna waxa ay sii wadaan beegsiga ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada ATMIS ee dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Feejignaada mar haddii cadowgu uusan nasan,” ayuu yiri Brig. Gen. Niyiburana.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Cadale Col. Saney ayaa uga mahadceliyey ciidamada ATMIS wadashaqeynta ay la sameeyeen, wuxuuna caddeeyay in ciidamada Soomaaliya ay u diyaar garoobeen sugidda amniga dalka, isla markaana ay ka adkaan doonaan Al-Shabaab.

“XDS waxay la wareegi doonaan saldhigyada, waxayna sugi doonaan dalka oo dhan, waxayna ka adkaan doontaa argagixisada Al-Shabaab oo sii wada daadinta dhiigga Soomaaliyeed. Horumar ayaan ka gaarnay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, waana ku sii jiri doonnaa, waana ka adkaan doonnaa,” ayuu yiri Col. Saney.

Xarunta saldhiga Arbacow ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Taliyaha ATMIS ee Hay’adda FOB, Lt. Col. Steven Kashagama, uu ku wareejiyay Ciidanka XDS, Kabtan Maxamed Somali.

Lt. Col. Kashagama ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sugaan ammaanka shacabka, isla markaana ay ka difaaci doonaan Al-Shabaab.

“Waxaan ku wareejinaynaa mas’uuliyadda amniga Albao iyo deegaannada dariska la ah ciidamada ammaanka Soomaaliya. Muddadii aan la joogay waxay muujiyeen soo jiidasho, tamar iyo adkaysi. Shaki iigama jiro inay diyaar u yihiin inay sugaan amniga shacabka,” ayuu yiri.

Madaxa howlgallada ee ciidamada ATMIS, Col. Milton Katarinyeba, oo ku sugan magaalada Cadale, ayaa ka codsaday ciidamada ammaanka Soomaaliya inay shacabka deegaanka ka ilaaliyaan weerarada Al-Shabaab.

ATMIS waxa ay la baxaysaa 2,000 oo askari dhamaadka bishan June 2023 iyada oo la raacayo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628(22) iyo 2670(22) ee dhigaya in ATMIS ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiso mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Labada saldhig ee kale ee horey loogu wareejiyay XDS waxaa ka mid ah Xaaji Cali iyo Miirtuugo oo ka tirsan Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Puntland oo soo saaray amar ku socda Shaqaalaha ajaaniibta ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiir Musuq lagu eedeeyay oo ka dhawaajiyay Hadallo Carro badan abuuray

Cabdi Cade

Guddoomiye & Ku-xigeen cusub oo loo Magacaabay Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---