Allbanaadir.com
NEWS

Maxay dowlada Mareykanku ka tiri falkii foosha xumaa ee lagu gubay Quraanka?

Ku-xigeenka afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka Vedant Patel ayaa cambaareeyey talaabadii foosha xumeyd ee lagu gubay kitaabka Quraanka kariimka ee ka dhacday dalka Sweden.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhacdadaas ay tahay wax laga xumaado isla markaana aanan la aqbali Karin.

Vedant Patel ayaa sheegay in talaabadaas ay dhiirigelineyso falalka argagixisanimada ee ay ku kacaan kooxaha xagjirka ah isagoo xusay in Mareykanka uu aaminsan yahay dhowrida iyo xushmeynta diimaha iyo dhaqamada bulshooyinka caalamka.

Dhinaca kale, Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa caro ka muujiyay gubistii kitaabka qur’aanka ee dalkaasi, iyagoo dhacdadaas ku tilmaamay mid aad u fool xun.

Falkan ayaa ku soo aaday xili ay muslimiinta caalamka u dabaal-degayeen maalinta Ciidda oo shalay ku beegnayd.

Morocco ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo ka careysan talaabadaas, iyadoo Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga uu isna si adag u cambaareeyay falkaasi.

Salman Momika oo ah Kirishtaan 37 jir ah, kuna nool dalka Sweden ayaa waxa uu shalay oo ahayd Maalintii Koowaad ee Ciiddul-Adxa uu Nuqul ka mid ah Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay Barxadda Masjidka Jaamaca ugu weyn ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Ninkaasi Kirishtaan ah waxa la sheegay inuu dhowr sano ka hor ka soo qaxay dalkiisa Hooyo, iyadoo Falka uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka sameeyey, xilli ay Ilaalo ka hayeen Askar ka tirsan Boliska dalkaasi.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa laga dheehday Askarta oo Is-hortaagtay Dhallinyaro Muslimiin ah oo doonayey inay ka hortagaan Falka lagu gubi lahaa Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Sidoo loo arkaa in Wasiir Goodax go’aan ka gaaray waxa laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka !!

admin

Eng. Yariisow oo balan-qaad u sameeyey Adeegga gurmadka deg deg ah ee ambalaasta

Caydiid Ali

Mareykanka oo taageeray Dowlad Falastiin leedahay oo laga dhiso Gaza iyo Daanta Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---