Jaamacadda Rensselaer Polytechnic oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wal walsan khasaaro xooggan oo kasoo gaaray ,daraasad in ka badan 20-sanno ay diyaarineysay oo si fudud loo khasaariyay.
Nin nadaafada ka shaqeeya oo katirsanaa shaqaalaha jaamacadda Rensselaer Polytechnic ayaa si lama filaan ah u khasaariyay daraasad aan horey loo sameyn oo jaacadda ku howlaneyd ka gun gaarideeda muddo 20-sanno ka badan.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay in ninkan nadaafada Jaamacadda ka shaqeenayay uu damiyay talaajad ku jirtay goob sheybaar ah oo ay ku jireen waxyaabo aad muhiim ugu ah baaritaanka cilmi baarista lagu waday.
Ninka khasaariyay daraasada ayaa sababta uu u damiyay talaajada ku sheegay, inuu shanqar ka maqlay qolka sheybaarka gaar ahaanna dhanka talaajadu taallay, shanqartaas oo ahayd mid uu aad u dhibsaday sida laga soo xigtay.
Shirkadda shaqaaleysiisay ninka nadaafadda u qaabilsanaa jaamacadda Rensselaer Polytechnic ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, waxaana dhacdadan aad uga naxay maamulka jaamacadda oo muhiimad gaar ah u laheyd daraasadda ay wadeen.